|

(Sawirro) Dhismaha IFTIN BANK Gaalkacyo oo manta la dhagax dhigay.

 

Gaalkacyo (DU):- Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa manta laga dhagax dhigay Dhismaha Xarunta shirkada Xawilaada lacagaha IFTIN BANK ee magaaladaasi.

Dhismahan oo ka koobnaan doona qaybo farabadan ayaa waxaa manta si rasmi ah looga dhagax dhigay magaalada Gaalkacyo, waxaana dhagax dhigeeda ka soo qaybgalay Maamulka gobolka Mudug, Masuuliyiinta sar sare ee  shirkada IFTIN group, Ganacsatada iyo marti sharaf kale oo farabadan, waxaana dhisaysa shirkada GECONSULT oo shirkada IFTIN u xulatay qandaraaska dhismaha xaruntan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Maxamed Yusuf Tigey oo si rasmi ah dhismaha xaruntan u dhagax-dhigay ayaa sheegay in dhismahani uu qayb ka yahay horumarka dhinaca dhismaha ah ee magaaladu samaynaysa mduooyinkii ugu dambeeyay, wuxuna sheegay in dhismahani uu ka qayb qaadanayo bilicda magaalada si wanaagsanna loo nakhshadeeyay.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta shirkada IFTIN iyo mida GECONSULT ee dhismahan dhisaysa ayaa sheegay in ay rajaynayana mudo kooban in ay ku dhamasytiraan dhismaha xaruntan islamarkaana ay si tayo leh oo qurux badan u dhisaan.

Waa dhismihii labaad ee Isbuucan ay ka bilowdo shirkan IFTIN deegaanada Puntladn, waxaana kan ka horeeyay dhismaha Shirkadu ay ku yeelanayso magaalada Garowe oo hada si toos ah u socda.

www.daludug.com

IFT 1

IFT a IFT b IFT c IFT d IFT e IFT f IFT G IFT H IFT I IFT J IFT K IFT M

 

Short URL: http://daludug.com/?p=4984

Leave a Comment - Ra'yigaaga dhiibo

Posted by on Mar 24 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

Comments are closed

Recently Commented